News

Nuxurka dooddii dhex martay Kamala Harris iyo Donald Trump, maxayse ka dhaheen arrimaha socdaalka iyo dagaalka Qasa – BBC News Somali

Published

on

Xigashada Sawirka, AP

Madaxweyne xigeenka Maraykanka Kamala Harris ahna Murashax xisbiga Dimuqraadiga, iyo Murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa isku helay doodoodii ugu horreysay ee ay si fool ka fool ah isaga hor yimaadaan taas oo ka dhacday Philadelphia tan iyo markii uu tartanka ka haray Joe Biden.

Doodda oo lahayd habraacyo lagu xakamaynayey ayaa labada murasharax waxay si weyn doodooda ugu hadleen qodobo ay doonayeen inay ka iibiyaan cod bixiyaasha Maraykanka doorashada bisha Nofember ee sanadkan ka dhacaysa dalkaasi.

Dulucda doodooda oo ku dul-meeraysay qodobbo kala ahaa Socdaalka, ilmo iska soo ridka,dhaqaalaha, xakamaynta xaduudaha, dagaallada ka socda Ukraine iyo Qasa ayaa inta badan waxay labadooduba ku kala aragti duwanaayeen hababka ay u wajahayan haddii ay helaan doonistooda aqalka Cad.

Advertisement

Doodda ayaa u ahayd teedii kowaad Kamala Harris, balse Trump ayaa doodda noocaan oo kale ah ay u ahayd markiisii toddobaad tan iyo markii ugu horreysay ee uu u tartamay madaxweyne 2016-kii.

Kamala Harris ayaa isku dayeysay inay iska difaacdo weerar afeedka, iyadoo u muuqatay inay iyada qudheedu weeraraysay siyaasadihii Trump uu ku hoggaaminayey Maryakanka afartii sano ee aqalka Cad uu joogay.

Dooda ayaa si weyn looga daawanayey TVyada caalamka oo malaayiin ruux ay daawanayeen, dadka doodaas daawaday falanqeeyana arrimaha siyaasadda Maraykanka, waxaa ka mid ahaa Dr. Asad Cali Weyd.

Asad, wuxuu BBC-da u sheegay in dooddu ula muuqatay mid lagu tilmaami karay “Weerar iyo weerar Celis”

Socdaalka

Advertisement

Siyaasadda socdaalka waa qodob muhim u ah doorashada dalka Maraykanka labada murashax Kamala iyo Trupm ayaa doodooda ku nuux nuuxsaday siday hortabinta ugu leedahay.

Wariyaha ABC David Muir, ayaa weydiiyay Kamal Harris waxa ay ka qabaneyso dadka soo galootiga ah ee ka imaanaya bartamaha Ameerika.

Isagoo xasuusiyey in iyada uu Biden u xilsaaray inay baarto sababta ka dambeysa in soo galooti tiradaa leh ay ka yimaadeen bartamaha qaarada Ameerika, isagoo waydiiyey intii ay xukunka hayeen in tiro badan ay ka soo gudbeen soohdinta taas oo gaartay meeshii ugu sarreysay.

Kamal Harris waxay ku jawaabtay iney tahay qofka kaliya ee goobta dooda ka socoto ku sugan ee maxkamadeyay dadka sharci darrada ku soo gala dalka markii ay ahayd xeer ilaaliyaha gobolka California. Si loo xakameeyo soo galootiga sharci darada ah, waxay sheegtay inay taageertay sharci ay meel mariyeen congresska mareykanka oo ay ku jiraan jamhuuriga aadka uga soo horjeeda dadka ka soo tallaaba xadka. Waxey tiri “sharcigan waxuu ku kordhinayaa askarta xadka ilaalisa 1500 askari. Waxay wax ka qabanayaan in daroogada ka soo talaabta xadka la xakameeyo”. Waxey sheegtay in qoysas badan oo caawa daawanaya dooda ay dhibaato u keentay daroogadaas xadka laga soo galiyo, taas oo dhibaato badan ku heysa dadkeena.

“Waxaan dareemayaa in dadweynaha Mareykanku ay doonayaan hoggaamiye xal u hela arrimahan, Donald Trump xal uma helayo mana xalin karo. Aniga ayaa ah hogaamiyahaas” ayey intaa raacisay.

Advertisement

Dhinaca kale, Donald Trump hadaladiisu waxay u muuqdeen kuwo aan isbaddelin oo doodahiisii hore la mid ahaa.

Waxuu ku eedeeyay in maamulka Biden iyo Harris wadanka dhaxalsiiyeen dhibaato ka dhalatay xadkii dalka oo noqday mid furan kaas oo danbiilayaal, dad daroogada ka ganacsada iyo argagaxiso ay wadanka soo galeen.

Asad Cali Weyd, ayaa BBC-da sheegay in doodooda dhanka socdaalka ay u muuqtay inay isla qireen arrimaha socdaalka uu yahay muhiimad u bahaan in si weyn wax looga qabto

Dhaqaalaha

Harris, waxay sheegtay inay doonayso inay kor u qaadayso cashuurta ganacsiyada waaweyn iyo dadka Maraykanka ah ee sameeya $400,000 (£305,000) sannadkii.

Advertisement

Laakin waxa ay sidoo kale daaha ka qaaday dhowr tillaabo oo fududeyn doonta culeyska canshuuraha ee qoysaska.

Waxay Kamala ku eedeysay Trump in markii uu xafiiska joogay uu u daneeyey dadka hodanka ee uusan daryeelin dadka la daala dhaca nolosha.

Trump ayaa soo jeedinayey tiro canshuur dhimis ah oo ku kacaya trillions, waxa uu sheegay in uu ku bixin doono korriin sare iyo tacriif lagu soo rogo badeecadaha la soo dejiyo.

Wuxuu kale oo Trump ku eedeyey Joe Biden iyo Kamala Harris inay dalka u horseedeen sicir barar baahsan.

Colaadda Qasa

Advertisement

Xigashada Sawirka, EPA

Colaadda tobanka bilood ka ka socota Qasa ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas ayey soo hadal qaadeen labada murashax iyadoo qodobkaasi uu u muuqday in Trump ku weeraray Kamala Harris.

Sida uu sheegay BBC-da Asad Cali Weyd, Harris ayaa sheegtay inay wali taagan tagay mowqifkeedii ahaa in xalka yahay laba dowladood balse ay Israa’iil xaq u leedahay inay is difaaco.

Waxay intaa raacisay inay doonayso inuu dhammaado dagaalka ka socda Qasa.

Trump ayaa intii ay ka hadlaysay qodobkaasi waxaa uu ku weeraray Kamala inay neceb tahay Israa’iil.

Advertisement

Trump, wuxuu sheegay in uu taageero buuxda siinayo Israa’iil , wuxuu kale oo sheegay inuu soo afjari doono dagaalka Qasa.

Dagaalka Yukrayn oo ay soo hadal qaadeen, Harris, waxay hoosta ka xariiqday inay sii wadi doonto taageerada Yukrayn

Ilmo iska soo ridida

Marka la eego siyaasadda doorashada Maraykanka qodobkan waxaa ka mid yahay kuwa miisaanka culus ku leh doorashadan.

Madaxweynihii hore Donald Trump oo dhexdhexaadiyaasha doodu waydiiyeen inuu cadeeyo mowqifkiisa ilmo iska soo ridida ayaa sheegay in dimuqraadiyiintu doonayaan qorshe uu ku tilmaamay mid “Xagjir ah”

Advertisement

Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu gacan ka geystay in arrinta dib loogu soo celiyo gobolada oo aysan qorshahaas wax badan ugu oolin dowlada dhexe ee federalka ah.

Kamala Harris, ayaa sheegtay in qofna uusan ka tagin mowqifkiisa uu xaga u leeyahay.

Marka laysku soo xooriyo doodii dhexmartay Kamala Harris iyo Donald Trump, labaduba waxay doonayeen inay muujiyaan siday u yihiin kuwo ku xooggan doodaaha ka dib fashilkii Joe Biden ka qabsaday doodii uu kaga hortagay Trump.

Trump ayaa markisii labaad doonaya inuu gaaro aqalka Cad isagoo da’diisu tahay 78 sano jir halka Kamala Harris oo 59 sano jira ay doonayso inay dhigto rikood cusub.

Advertisement

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Trending

Exit mobile version